Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Magaalada Kismaayo iyo layaabka maanta

calanka     Waxaa lagu waaberiistey saaka magaalada kismaayo  goobta shirka wadatashigu ka socdo arin ku cusub somaliya gudaheeda sanadihii dambe.

Waxay indhaha dadka somalidu barteen marka ay soo kacaanba iney indhaha ku kala qaadaan dhowr calan oo kala duwan oo mid waliba sheegayo macno gaara dhamaana ,xafiisyada dowlad goboleedada iyo goobaha ganacsigaba ka lusha iyo kuwo hay’ado iyo dowlado ajnebiyi leeyihiin .

Waxaase layaab noqotay markii madaxweynaha dowlad goboleedka jubbaland  amar ku bixiyey in dhamaan calamada dowlad goboleedada iyo kuwa ajebiguba leeyihiin dibada looga saaro meesha shirku ka dhacayo,lagana taagi karo CALANKA  BULUUGA AH EE SOMALIDU LEE DAHAY   OO  KELIYA GOOBTA  SHIRKU KA SOCDO,.   Maadaama uu yahay calanka buluugaayi kan Somali ka dhexeeya  dadka shirayaana Somali yihiin dhamaantood.

Dad badan oo soomaali ah ayey arintaasi soo jiidatey ,kuna farxay markey dib u arkeen balanka buluuga ah oo mar labaad keligii ka dul babanaya meel somaliyi isugu timid.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *