Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Maraykanka oo War kasoo saaray Weerarkii Balidoogle ee Ciidanka Danab iyo Kuwa Maraykanku iska difaaceen

Safaarada Maraykanku ku leeyahay Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay weerarkii Qaraxa ku bilowday ee saaka Al-shabaab ku qaadeen xerada Bali-doogle oo ay degan yihiin ciidamo Maraykan ah iyo kuwa xoogga dalka ee Danab.

Sidoo kale Wasaarada gaashaandhiga Somalia ayaa sheegtay in weerarkaas la fashiliyey laguna soo afjaray 10 daqiiqo gudahood, waxayna wasaaradu intaas ku dartay in la laayey dhamaan dagaalyanadii halkaas weeraray inkastoo aysan sheegin wax tiro ah.

Al-shabaab ayaa dhinaceeda sheegtay iney gudaha u galeen xerada , isla markaana ay burburiyeen dayuurado loo adeegsan jiray duqeymaha iyo qalab kale oo halkaas yiilay.

“Dowladda Maraykanka waxa ay cambaareynaysa weerarrada maanta ka dhacay Baledogle iyo Muqdisho Waxaan amaanayna ciidamada Soomaaliyeed oo ka hortagay weerarka lagu soo qaaday fariisiin ciidanka Soomaaliyeed uu ku lee yahay Baledogle ee gobolka shabeelaha hoose.

Ciidanka oo ahaa mid fajignaan muujinaayo ayaa ku guuleystay in uu ka hortago wareerka fashilmey, oonan u oggolaanin kuwa weerarka soo qaaday inay jebiyaan darbiga difaaca ee saldhigga. Waxaan ku faraxsannahay in aysan jirin qasaara kasoo gaarey labadii weerar ciidanka xoogga dalka.

Weerarkan ayaa mar kale muujiyey in Al-Shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya. Dowladda Maraykanka waxa ay xaqiijineysaa dadaalka xooggan ay siineyno dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anigo oo gacan ka geysaneyno dadaallada wadajirka ah taaso lagu doonaayo in logu baabi’iyo kooxaha argagixisada iyo dhisida dal xoog leh oo dadkiisa ku horseedo barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.”

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *