Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

markab sida raashin gargaara ka yimid dalka turkiga ayaa ku soo xirtay dekeda muqdisho

Qaar ka mid ah madaxda dowlada somaliya ayaa ka gudoomey dowladda Turkiga Macaawino gaaraysa 11,000 oo Tan, kaasoo Dowladda Turkiga ay ugu Deeqday Shacabka Soomaaliyeed, Maantana ku soo Xirtay Dekedda Muqdisho.

Madax ka tirsan  Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowladda Somalia, ayaa Gargaarkaan kala Wareegtay Mas’uuliyiin ka socday dowladda Turkiga iyo hay’ada Bisha case ee dalka Turkiga oo uu Hoggaaminayay Danjiraha dalka Turkiga u fadhiya Somalia, Olgan Baker.

Danjire Baker, oo Dekedda Muqdisho kula Hadlayay Warbaahinta, ayaa sheegay inay Gar-gaarkan ugu Talo-galeen Shacabka Soomaaliyeed. Isagoo yiri. “Waxaan doonaynaa inaad nala aragtaan Gargaarkan oo ah Raashin Culeyskeedu gaarayo 11,000 oo tan, Wuxuuna ka ymid shacabka Turkiga, iyadoo Tani ay Muujinayso Xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Shacabka Turkiga iyo Shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka DF, C/rashiid Maxamed Xiddig oo isagna la Hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay si siman Gar-gaarkaan ugu qaybin doonto dadka Soomaaliyeed, isagoo u mahad-celiyay Dowladda iyo Shacabka Turkig C/rashiid  Xidig ayaa sheeaay  iney ku faraxsan yihiin, in dowladda Turkiga ay Shacabka Soomaaliyeed soo gaarsiiso Gargaarkan. Dowladda Soomaaliya maalmaha soo socda ayay si siman ugu qaybin doontaa shacabka Soomaaliyeed ee Gargaarka u baahan,

Balse dowladda Turkigu waxay waxay somaliya u haysataa magaalada muqdisho dadka ku nool oo keliya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *