Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Masuuliyiin ku dhintay Qarixii, Xaalada Gudoomiye Yariisow oo laga Waramay iyo Sida ay wax u dhaceen

Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee maamulka gobolka Benadir Mudane Tuuleh ayaa xaqiijiyey in Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow  uu nool yahay, islamarkaana uusoo gaadhay dhaawac fudud hadana ay dhaqaatiirta dabiibiyaan, Wuxuuna Shacabka gobolka Banaadir iney is dejiyaan.

Sidoo kale Guddoomiye Tuulah waxa uu xaqiijiyey iney jiraan dhaawac so gaaray Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka qaarkood iyo Agaasimeyaasha dowladda hoose qaar ka tirsan.

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhaawac soo gaaray ay u geeriyoodeen Guddoomiyeyaasha degmooyinka Waaberi iyo C/casiis, iyo Agaasimihii Waaxda Nadaafadda C/fataax Cumar Xalane.

Illaa iyo hada waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir, gaar ahaan Hoolka Shirarka oo la sheegay in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay.

Dhinaca kale Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka uu qaraxan u dhacay, qaarkood waxay sheegayaan in haweeney suun miineysan dhexda ku soo xiratay ay isku qarxisay goob ay ku shirsanayeen masuuliyiinta gobolka, halka wararka kalena ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid hoolka shirka lagu sii diyaariyey, ma jiro illaa hadda war ka soo baxay laamaha amniga dowlada oo ku saabsan qaraxii.https:

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *