Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

maxkamad ku taala dalka maraykanka ayaa xukuno kala duwan ku xukuntay dhalinyaro u badan somali

Maxkamad in dhowdba ka socotey dalka Mareykanka ayaa lagu soo gabagabeeyay gobolka Minnesota .Dawadaasoo loo haystey  wiilasha Soomaalidaa ee  la lagu soo eedeeyey iney rabeen iney ku biiraan ISISka ka dagaalama dalka Suuriya iyo Ciraaq.

Mid ka mid ah wiilashaa ayaa Oromo ah inta kalena waa Soomaali. Dacwada oo maxkamada Minnesota ku taala ay qaaday ayaa waxaa lagu xukumay 9 dhallinyaro ah.

Dacwadaha oo dhageysigoodu soo socday 3dii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa dhallinyaradaa waxaa lagu xukumay min hal sano ilaa 35 sano oo xarig ah.

Guuleed Cali Cumar-35, sano oo xarig ah

Maxamed Cabdixamiid Faarax, 30 sano oo xarig ah

C/Raxmaan Yaasiin Daauud, 30 sano oo xarig ah

Cadnaan Faarax, 10 sano oo xarig ah

Xamza Cumar (wiilka Oromada ah), 15 sano

Cabdirisaaq Warsame, 30 bilood oo xarig ah

C/Laahi Yuusuf, 1 sano oo xabsi guri ah iyo 20 sano oo dhaqdhaqaaqiisa lala soconaayo.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *