Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Maxkamad u xukuntay Aadan Barre Ducaale xubinnimada Kursiga baarlamaanka Kenya

Dacwad muddo dheerba soo soctay oo u dhaxeysay xildhibaan Aadan Barre Ducaale iyo guddoomiye ku-xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ayeey ugu danbeyntii go’aan ka gaartay maxkamada sare ee Kenya.

Maxkamada sare ee Nairobi ayaa ugu danbeyntii u xukuntay Aadan Barre Ducaale oo ah guddoomiyaha Aqlabiyada baarlamaanka guusha doorashadii ka dhacday Gaarisa ee lagu soo doortay Aadan Barre.

Maxkamadda ayaa sharci ku tilmaamtay doorashada kursigan, waxaana Faarax Macalin ku xukuntay inuu bixiyo lacag dhan 6 milyan oo lacagta Kenya ah oo qeyb ka mid ah la siinayo Aadan Ducaale, halka qeybta kale la siinayo Guddigii doorashada ee baaritaanka waday.

Faarax Macalin ayaa sheegay in uu xushmeynayo Maxkamadda, hase ahaatee go’aanka uu ahaa mid qalad ah, islamarkaana uu racfaan ka qaadanayo.

Doorashada Kursiga Xildhibaannimo ee Gaarisa ayaa aheyd kuwii ugu adkaa, waxaana wali Maxkamadda yaala dacwado laga keenay qaar ka mid ah kuraastii doorashooyinka deegaanada gobolka waqooyi bari Kenya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *