Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

maxkamada-oo-mar-kale-dib-u-dhigtay-dhageysiga-kiiska-soomaaliya-iyo-kenya/

Maxkamada ICJ oo mar kale dib u dhigtay dhageysiga kiiska Soomaaliya iyo Kenya

Garsoorka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

War-maanta kasoo baxay maxkamadda uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa lagu sharraxay sababta dib loogu dhigay iyo waliba jadwalka dhageysiga kiiskaas.

Warqad loo diray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayey garsoorka maxkamaddu ku sheegeen in markii ay dhageysteen codsiga dib u dhigista oo ay gudbisay Kenya, sidoo kalena eegeen xaaladda uu sababay xanuunka Coronavirus ay go’aansadeen in waqtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo 15-ka bisha Maarso ee sanadka 2021-ka.

Dhowr jeer oo hore dib loo dhigay kiiska, kadib codsiyo maxkamadda uga yimid Kenya dartiis, balse haatan waxaa la sheegay in saameynta xanuunka Covid-19 ay qeyb ka tahay go’aanka dib u dhigista.

Jadwalka cusub ee dhageysiga dacwadda ayaa ah:

Wuxuu dhageysiga billaabanayaa bisha March, 2021-ka, waxaana la wadi doonaa ilaa 4 maalmood.

Isniin, 15 March, (10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

Arbaco, 17 March, ((10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

Khamiis, 18 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad.

Jimce, 19 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *