Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Maxkamada Sare Ee Kenya Oo Laga Dalbaday Inay Laasho Dacwada Muranka Badda Ee Taala Maxkamada ICJ.

Urur ay ku mediisan yihiin Qareennada dalka Kenya ayaa gal dacwadeed geeyay Maxkamadda sare ee dalka Kenya, waxa ayna Ururkan Maxkamada ka dalbadeen in Dowlada Kenya ka laabato kiiska dacwada badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen qareenadan in ka qeyb galka Kenya kiiskan dacwada badda uu xadgudub ku yahay dastuurka Kenya u yaala gaar ahaan qodobada dhinaca xadka ku saabsan.

Qareenadan oo baaqooda sidoo kale gaarsiiyay Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya iyo Wasaarada Arimaha dibadda ayaa maxkamada sare ka dalbaday in ay si deg deg ah ugu dhawaaqdo in ay laashay ka qeyb galka dacwad Maxkamada ICJ dib uga furmeysa.

Maxkamada Cadaalada Adduunka ICJ ayaa la filayaa in 9-ka bisha September ee sanadkan 2019 dib uga bilaabato dhageysida kiiska dacwada badda ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Dowlada Kenya ayaa aad uga walaacsan in guul ka gaarto kiiska dacwada badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, waxa ayna Kenya marar badan raadisay xal aan aheyn in maxkamada lagu kala baxo.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *