Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Mdaxweynaha Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda beesha caalamka

madaxtooyada-Puntland.jpg2madaxweynaha puntland Dr Gaas oo uu weheliyo madaxweyna ku xigeenkiisa iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada puntland ayaa madaxtooyada puntland ku qaabilay wefti balaaran oo uu horkacayo wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan somaliya ,weftigaasi oo ay ka mid yihiin wakiilka Igad ,wakiilka midowga yurub safiirada dalalka talyaaniga ingriiska iyo safiiro badan oo ka socda dalalka daneeya arimaha somaliya ,

Booqashada  weftigan oo ay keentay ka dib markii ay puntland diidey nidaamka 4.5ka ee ay soo jeedisey dowladda federa;lku beesha caalamkuna ku raacday dhowaan  kaasoo loogu tala galay in lagu saleeyo doorashada 2016ka .

Madaxweyne Dr Gaas wuxuu sheegay iney ku faraxsan yihiin imaatinka weftiga wadahadalna ay la furi doonaan madaxda puntland ,siyaasiyiinta iyo shacabka reer puntlandba si ay xog ogaal ugu noqdaan arigtida shacabka reer puntland.Shirka la filaayo inuu dhowaan furmo madaxweynuhu wuxuu u rajeeyey inuu ka soo bixi doono wax wanaagsan oo tan u ah ummadda somaliyeed

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *