Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Mid kamid ah Hogaamiye Kooxeedyadii ugu Awooda badnaa oo Geeriyooday & Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay

Maxamed Qanyare Afrax oo horay u soo noqday Wasiirka Amniga Qaranka iyo Xildhibaan ayaa saaka ku geeriyooday Cisbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu muddooyinkan uu Xaalad Caafimaad ugu Jiray.

Maxamed Qanyare ayaa Sidoo kale kasoo Mid noqday Hogaamiye Kooxeedyadii dalka, Isagoo Awood badan awoodda ku lahaa Magaalada Muqdisho, waxaa lagu xusuustaa inuu xubin firfircoon kulahaa aas aaskii isbaheysigii la dagaalanka Argagixisda ee markii dambe ka adkaadeen Maxkamadihii islaamiga.

Sidoo kale Maxamed Qanyare ayaa dowladdii KMG ka noqday Wasiirka Amniga Qaranka, sidoo kale waxaa uu ahaa Musharaxii saddexaad ee ugu codka badnaa doorashadii xilka Madaxweynaha ee Embaghatii ka dhacday sanadkii 2004.

Sanadkii 2012  ayaa Maxamed Qanyare waxaa uu ka baxay siyaasadda, isagoo xilligaas ay xanuuno soo wajaheen, waxaa kursigii Xildhibaannimada uu ku fadhiyay bedelay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Cabdiweli Maxamed Qanyare.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay Geeridiisa ayaa sheegay in Marxuum Qanyare uu qeyb weyn ka soo qaatay dadaaladii dib u heshiisiineed ee dalka ka dhacay.

“Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Maxamed Qanyare Afrax. Marxuumku waxa uu qayb weyn ka soo qaatay dadaalladii dib u heshiisiineed ee dalka isaga oo noqday Wasiir iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya”. ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay Madaxtooyadda  Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *