Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Mid kamid ah Raggii diley Caasha Ilyaas oo Heshiis Mag ah lagu Sii daayey [Warbixin]

Heshiis lagu sii daynayo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo ka mid ahaa saddexdii nin ee kufsaday oo dilay Caa’isho ayaa waxaa wada gaadhay Qoyska xukumanaha iyo qoyska Marxuumada Caa’isho Ilyaas.

Heshiiskan ayaa dhigaya in mag 75 halaad ah la siiyo qoyskii ay ka dhalatay Marxuumada Caa’isho Ilyaas. Magta la bixinayo ayaa neefkii geela ahaa waxaa lagu qiimeeyay $500, iyadoo qoyska gacanta laga saaray lacagta 50 Halaad.

Waxaa kale oo labada qoys isla garteen in muddo Saddex bilood ah lagu bixiyo qaybta ka hadhsan magta.

Heshiiska magta ah ee Labada qoys ay wada gaareen ayaa wararku sheegayaan in loo gudbiyay laamaha garsoorka Puntland, si loo sii daayo xukumane Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige oo lagu helay inay kufsadeen oo dileen Caa’isho Ilyaas oo ahayd gabar yar oo 12 jir ahayd ayaa toogasho lagu fuliyay 11kii bishan Febraayo magaaladda Bosaso.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *