Midowga Yurub oo Maanta Badhida Dhulka Ugu Dhuftay Ciidanka Kenya ee Somalia ku sugan
|Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in maanta oo ay taariikhdu tahay 31ka July 2019 uu dhaqan galayo go’aankii ay ku dhimayeen mushaarka Ciidamada Kenya qeybta ku jirta AMISOM.
Sanad miisaaniyadeedka AMISOM ayaa ka billowda bartamaha sanadkasta waxaana Midowga Yurub horay u sheegay in uu go’aankan ku dhaqaaqayo.
Lacagta Dowladda ku hesho Magaca howlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay in ay gaareyso Sh8.5Bilyan oo lacagta Kenya ah,taas oo hadda kaddib kala bar jarmeysa.
12ka Bilood ee soo socota ayey lacagtaas noqoneysaa kala barka lacagta Kenya la siiyay laba iyo tobankii bilood ee la soo dhaafay.
Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOS ayaa lagu sheegay warbixinta in ay bixiyaan farsadama iyo taageerada goobta ee AMISOM iyo Ciidanka Soomaaliya marka ay howlgallada ku jiraan.
Holwgalka AMISOM ayaa waxaa u qorsheysan in sanadka 2021ka isaga baxdo Soomaaliya ka horna dowladda Soomaaliya kala shaqeyso sidii ay amniga dalka ugala wareegi lahayd Ciidamada AMISOM.