miino ku qaraxday ciidamada p/land oo marayey buuraha galgala
|
Wararka laga helayo jiida hore ee buuraleyda galgala ayaa tibaaxaya in qarax miino oo wadada lagau aasay ay ku qaraxaday Gaadiid Kolonyo aah ooay la socdeen ciidanka Puntland ee saldhigyada ku leh Buurta Galgala.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland uu ka soo gaaray qaraxyada khasaare kala duwan, iyadoo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada ay sheegeen in afar askari uga dhaawacantay
Todobaadkii hore ayay aheyd markii askar ka tirsan Puntland lagu dilay qaraxyo ka dhacay Buuraha Galgala, waxaana muddooyinkan soo badanayay qaraxyada lala eeganayay Kolonyada Ciidamada Puntland ee ku sugan Buuraha Galgala.
Puntland ayaa dagaal kula jirta Kooxda Al-Shabaab oo fariisimo ku leh buuraha Golis, waxaana dhowaan koox sheegtay inay ku biirtay Daacish ay ka soo muuqday deegaanada waqooyi bari ee Soomaaliya.