Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Minnesota international middle school oo la doortay madaxweynaha gudiga ardayda ee sanad dugsiyeedka 2017-2018.

 

 

    Sanad walba waxaa ka dhacda tartan doorasho oo dhexmarta ardayda iskuulka ,taasi oo loo doortay sanad dugsiyeedkan  Madaxweyne Ayuub Cabdikarim Maxamed  ,Madaxweyne ku xigeena loo doortay Sakariya Axmed Cabdullahi ,halka xoghaye loo doortay Shaafici Ali .

      Sidoo kale waxaa la doortaa 13 xubnood oo kale kuwaasi oo noqda gudiga ardayda ee sanad dugsiyeedka .Hadaba aan isweydiinee waa maxay shaqada gudiga ardaydu qabtaan oo sanad walba doorashada loogu qabtaa.Doorashadaasi oo ah mid aad u xiiso badan ardayda oo dhamina ay ka wada qayb qaataan.

        Gudiga ardaydu waxay iskuulka dhexdiisa ka qabtaan howlo badan sida ay ii sheegeen Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu  Waxay caawiyaan taageeraana ardayda kale markay caawimo u baahan yihiin ,Sidoo kale waxay ardayda ka ururuyaan wixii fikrado ah ee ay rabaan iney maamulka iskuulka u gudbiyaan ,waxay ka qaybqaataan wixii dhiiri gelin waxqabadan ee ay ardayda kale u baahan yihiin iyo iney ardayda kale u noqdaan tusaale wanaagsan oo arday waliba ku hirto wadada wanaagsan ee maamulka iyo gudiga ardayduba u tilmaamaan

      Hadaba Maamulka iyo macalimiinta Minesota International School waa kuwo had iyo jeer u taagan waxbarashada ardayda ka sokow iney ardayda u diyaariyaan wadada ay ku gaari karaan meesha ay higsanayaan ee ugu haboon ,taasi oo macneheedu yahay iney ardayda ku dhiiri geliyaan iney noqdaan kuwo masuula oo ardayda kale ee iskuulada kale kaga daydaan wanaaga iyo hogaamintaba.

          

       Weriye Maxamed xasan (Dhegood)

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *