Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Mudaharaadyo rabshada wata oo ka dhacay magaalada Bosaaso

sawirka bosasoBeryahanba waxaa soo baxaayey hadal hayn ah in  Magaalada Bosaaso laga abaabulayo mudaharaad lagaga soo hor jeedo dowladda ,sidaa wada ogtihiin waxaa dhowaan shir jaraaid ku qabtay magaalada dhexdeeda Godoomiyihii hore ee gobolka bari CabdisamadMaxamed Galan,kaasi oo uu kaga hadlay arimo badan oo kin dadkaa salka ku haya.

waxay saaka magaaladu ku waaberiisatay Mudaharaad ku bilowday si nabad gelyo ah balse isu rogey rabshado iyo in la adeegsado Rasaas taasi oo keentay dhimashada 5 qof iyo dhaawac badan oo isugu jira ciidamada amaanka iyo dad shacab ah.

Gudoomiyaha gobolka bari Yusuf Maxamed Wacays oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aaney gacanta ku hayn dadkii soo abaabuley balse ay ka soo qabteen gurigii laga maamulayey banaanbaxa ,lagana ridaayey xabadaha lagu diley ciidamada amniga qaar ka mid ah, in ciidamada aminigu xoog ku galeen  kana soo qabteen laba gaadhi oo tikniko ah hal baabuur oo kuwa raaxada ah iyo sidoo kale 6 ka mid ah maleeshiyadii rasaasta gurigaas ka soo rideysey.

Waxaa magaalada la soo dhoobay ciidamo aad u badan siiba jidadkii ay mudaharaadayaashu  xidheen  kuna gubeen taayirada,magaaladana waxaa lagu soo rogey Bandow  meel kastana waxaa taagan ciidamada amniga.

Waxaa  xusid mudan Madaxwynaha Puntland Dr Cabdiweli  wuxuu saaka soo kormeeray kuliyadda Caafimadka  oo ku taala magaalada bosaaso  Wakhtigii ay Mudaraadyadu dhacayeena wuxuu ku sugnaa magaalada Bosaaso gudeheeda

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *