Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Munaasabad lagu sagootiyey ciidamadii Jabuuti ee gobolka Hiiraan

Waxaa saaka ka dhacday munaasabad lagu ambabixinaayey ciidamadii uGu horeeyey ee dalka Jabuuti u soo dirtay dalka somaliya oo ka mid noqday ciidamada AMISOM,kuwaasi oo joogey gobolka Hiiraan.

Wefti balaaran oo uu hogaaminayey Raiisal wasaaraha somaliy Cumar Cabdi Rashiid oo ay ka mid yihiin wasiirka gaashaandhiga ,wasiirka dhalinyarad ,wasiirka amniga,gudoomiyaha gobolka hiiraan iyo dadweyne reer Beledweyne ah ayaa ku sagootiyey ciidamadaasi farxad iyo walaaltinimo ay u qabaan ciidamad Hiil walaal ee dalka Jabuuti mudada saddexda sano ahna ku sugnaa Gobolkaasi Hiiraan. Waxaana halkaa lagu soo dhoweeyey ciidamo cusub oo bedeley ciidamada la sagootiyey.

Sidoo kale waxaa sogootinta  ka qayb qaatay wasiirka gaashaandhiga ee dalka Jabuuti safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya moqdisho.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *