Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Muqdisho : Dhacdo la yaab leh oo Lagu dilay Askari iyo Waxa dhacay

Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa maanta lagu dilay agagaarka isgoyska Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho, halka qof kalena uu ku dhaawacmay.

Dilka askariga ayaa ka dhacay bar-koontorool oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin agagaarka isgoyska Cali Kamiin, waxana ka dambeeyay askari kale oo ka tirsan askarta dowladda.

Qof goobjooge ahaa xilliga dilka uu dhacayay ayaa sheegay in dilka uu yimid kadib markii askariga la dilay uu isku dayay in bajaaj uu marsiiyo waddada oo ciidamada u xirneyd, hase yeeshee taasi ay muran ka dhalatay.

“Waxaa xidhnayd waddada, wiilka bajaajta watay ayaa arkay askari uu yaqaan kadibna waxaa uu ka codsaday in uu ka gudbiyo askarta, waxayna isku raaceen oo ay isku afgarteen in askariga bajaajta uu wado, wiilka bajaajta lahaana gadaal ayuu raacay, waxaa uuna iska dhigay qof bajaajta saaran, kadibna waxaa ay gaareen askartii, kuwaasi oo diiday in ay bajaajtu gudubto, muran dheer kadib askartii bajaajta ayay rasaas u fureen.” Ayuu yidhi goobjoogaha.

Goobjoogaha waxaa uu sheegay in rasaastii bajaajta lagu furay uu ku dhintay askarigii mootada waday ee doonayay in uu gudbiyo, iyada oo sidoo kale-na ninkii mootada horay u watay uu dhaawac soo gaadhay, isla markaana loo qaaday mid ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *