Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Musharraxa Guddoomiyaha Garissa, Gen. Bashir Xaaji Yuusuf oo Golaha 1960 waraysi siiyey

baSHIRWaraysi xiisa badan oo aan la yeelannay Gen. Bashiir Xaaji Yuusuf oo u taagan jagada Guddoomiyaha Gaarisa ee Kenya sannaddan 2017, bisha Agoosto, ayuu kaga hadlay hammigiisa siyaasadeed, taariikh nololeedkiisa iyo waxyaabaha uu rabo inuu wax ka beddelo haddii jagadaa loo doorto. Wuxu tartan la geli doonaa Guddoomiyaha hadda xilku ka dhammaanayo Nadiif Jaamac iyo sidoo kale Cali Qorane. Tartankan doorashada oo dhici doona bisha Agoosto 15-keeda, 2017, ayaa ah mid xasaasi ah.

Arrimaha aad iyo aad u kululeeyey loollanka Guddoomiyaha Gaarisa ayaa waxa ka mida: siyaasadda dhaqaaalaha, dhulka, amniga iyo arrimo kale oon lagu soo koobi karin hal waraysi. Mustaqbalka dhow ayaan marar badan Gen. Bashiir waraysiyo kale idiin ka soo qaadi doonnaa, ha sugi waayin. Hoos ka dhegeyso waraysiga, oo idiin qaaday Maxamuud Axmed Cabdalle (Abwaanka). Sidoo kale waraysigan ayaan ku baahin doonnaa website-yada Arrimaha.com, Puntlandes, Saadaal iyo kuwa kale oo fara badan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *