Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Muxuu yahay Heshiiska la dhex dhigay Beelihii Dagaalku ku dhexmaray Gobolka Mudug

Beelihii dhowaan ku dagaallamay Bariga Gobolka Mudug ayaa gaadhay heshiis lagu soo Af-jarayo colaaddi halkaasi kasoo cusboonaatay , Waxaana  Heshiiskan oo laga soo saaray saldhig u ah deris wanaagga Labada Beelood, waxaana goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga Dalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Qeybta 21-aad ee Xooga dalka.

Odayaasha iyo wax-garadka Labada dhinac ayaa ku heshiiyay Shanta qodob ee hoos ku qoran, si loo dhameeyo colaadda Beelihii halkaasi ku dagaallamay dhowaan.

In la dhiso Ciidamo isku dhaf ah,  Lana magacaabo Guddi Odayaal ah oo ka kooban 10 Xumnood,

In si Nabad ah ay u wadda daaqaan Xoolaha Dadka reer Guuraaga ah

In Qofkii qof kale dila lagu xukumo dil toogasho  iyo In Reerkii  ku duulaa Reer kale ay  Dowladda Soomaaliya tallaabo ka qaadi doonto.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Degaanadaas ayaa kor meeray Dhamaan Meelihii laga kala qaaday Ciidanka Beelaha Ddagaalamay.

Heshiiskan ayaa ku yimid dadaal ay sameeyeen Ciidamada qalabka sida iyo xalka Odayaasha deegaanka oo udub dhexaad u ah in nabadan la gaadho.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *