Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Ninka Guursaday Ilhaan Cumar oo la Xaqiijiyey inuu Qaatay Diinta Islaamka

Warbaahinta caalamka iyo Baraha Bulshada waxaa maalmihii ina dhaafay qabsaday aqal galka Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan Congrees-ka Mareykanka oo asal ahaan ah Gabar Soomaali ah iyo Tim Mynett oo ah Nin kaalin weyn ka qaatay u ol-oleynta kursiga ay ku fadhiso.

Ilhaan ayaa barteeda Instagram ku caddeysay in ay is guursadeen Madaxii Ol-olaha ugu waday Minnesota oo ah halka ay ku matasho xubinnimada aqalka Congress-ka Mareykanka.

Afhayeen u hadlay Ilhaan Cumar oo lagu magacaabo Jemery Slevin waxa uu BBC-da u sheegay in Tim Mynet uu qaatay diinta Islaamka kahor inta aysan is guursan Ilhaan, nikaaxooduna uu u dhacay si waafaqsan shareecada Islaamka.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in ay isku guursadeen hab waafaqasan diinta Islaamka iyo sharciga, seyga Ilhan-na uu qaatay diinta Islaamka”ayuu yidhi Jeremy.

Jeremy ayaa ka gaabsaday in uu shaaciyo haddii uu jiro magaca uu la baxay seyga cusub ee Ilhaan Cumar iyo xilliga uu qaatay diinta Islaamka.

Ilhaan Cumar waa Hooyo dhashay saddex Carruur ah, waa Gabadhii ugu horeysay ee Aqalka Congress-ka Mareykanka gashay iyada oo Madax daboolan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *