Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Odayaasha Dhaqanka Jigjiga oo War Cusub Soo saaray iyo Axmed Shide oo diiday inuu yimaado Jigjiga

Axmed shide wasiirka maaliyada ee dalka  Itoobiya ahna Gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Soomaaligalbeed oo la filayey saaka imaanshihiisa magaalada Jigjiga si loogu maareeyo khilaafka taagan ayaa lagu waramayaa in uu diiday in uu yimaado magaalada Jigjiga.

Odayaasha Soomaaligalbeed oo shir-jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Jigjiga ayaa ku eedeeyey wasiirka maaliyada Itoobiya Ahna gudoomiyaha xisbiga DSHS kaga baxay wadahadalisiin uu hore u ogolaaday oo u dhaxaysa isaga iyo madaxweyne Mustafe Cagjar.

Sidoo kale odayaasha ayaa ugu baaqay dawlada Itoobiya in ay soomaalida u dayso in ay gudohooda ku dhamaystaan khilaafkooda.

Odoyaasha ayaa si weyn ugu soo horjeestay in la soo celiyey xubnihii hore ee taliskii Cabdi Iley ee ku eedaysnaa dambiyada.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *