Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

pes/madaxweyne farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xoghayaha arimaha dibadda ee dalka un

15 mars 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Faraamjo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay  Xog-hayaha Arrimaha Dibedda dowladda Britain oo ay ka wada hadleen Iskaashiga labada dalka iyo taageerada dowladda Ingariiska ee Soomaaliya.

Kulanka madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xog-hayaha Arrimaha Dibedda Britian Boris Jonhson  waxa uu ka dhacay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, diiradda waxaa lagu saaray kulanka xiriirka labada dal  iyo sidii loo sii xoojin lahaa oo ay isaga kaashan lahaayeen Arrimaha Amniga,  dagaalka ka dhanka argagixisada,  horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u dhiska guud ee dalka.

Kulanka kaddib Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in wada hadalkii isaga iyo Boris Johnson Xog-hayaha Arrimaha Dibedda Ingariiska uu ahaa mid taariikhi ah, isla markaana ay isku soo qaadeen arrimo ay ka mid yihiin wax ka qabashada abaaraha dalka ka jira iyo in si wadajir ah loo xoojiyo la dagaallanka Al-Shabaab, sidoo kalena dowladda UK ay Soomaaliya ka caawiso dhismaha hey’adaha dowliga ah.

Dhinaca kale Xog-hayaha Arrimaha Dibedda Britian Boris Jonhson, ayaa sheegay in wada hadalka madaxweynaha uu la yeeshay uu ugu horreeyey Xiriirka qotada dheer ee labada dal, waxa uu sheegay in dowladda Ingariiska ay 10 Milyan oo Boun ugu talogashay abaaraha Soomaaliya ka jira, isla markaana dowladda ka caawin doonaan la dagaallanka musuq-maasuqa iyo arrimaha amniga.

Waxa uu sheegay in dowladda ay  ka gacan siinayaan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u dhiska  dalka, si amniga loogu guuleystana ay  si wadajir ah ula dagaallamayaan Al-Shabaab, waxa uu intaa raaciyey in ay si heer sare ah  u socoto qaban qaabada shirweynaha London ka dhacaya ee arrimaha Soomaaliya looga hadli doono bulshada caalamkuna ay ku yaboohi doonaan taageero buuxda.
13

14

15

16

17
Puntlandes.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *