Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

pes/wasiirka gaashaandhigga mudane diini oo soo kormeeray xarunta lagu tababari doono saraakiisha somalida

15 mars 2017 (Puntlandes) Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa kormeer ku tagey xarun ay u dhiseen Dawladda Turkigu Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku taalla deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho. Waxana ay xaruntani soo saari doontaa Saraakiil loo tababarey qaabka casri ah.

Dhismaha Xaruntani oo hadda maraya heer gabo-gabo ah ayaa waxaa lagu wadaa in uu soo dhamaado waqti dhow, si loogu bilaabo howshii loo diyaariyey, waxana Wasiirka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Turkigu ay kormeer ku sameeyeen guud ahaan qeybaha kala duwan ee ka kooban yahay dhismaha xaruntani.

Mudane Diini ayaa uga mahadceliyey Turkiga taageerada xoogan ee mar walba ay la garab taagan yihiin dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay dhismaha Xaruntani  ay door weyn  ka ciyaari doonto horumarinta iyo kor u qaadidda tayada Ciidanka, gaar ahaan Saraakiisha oo ilaa iyo Dawlad burburkii aan helin goob kamid ah dalka ay ku tababartaan.

Puntlandes.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *