Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

p/l ayaa ka digtey howlaha dastuurka ku saabsan ee muqdisho ka socda

Gudigii dib u eegista dastuurka oo in muddo ahba ku mashquulsanaa iyga oo aan wada joogin xafiisna lahayn Iney dib u eegid ku sameeyaan dastuurka .Ka dib wixii ay soo saareen auaa saluug badan ay ka keeneen dolad goboleedda qaarkood taasi oo keentay in lagau balamo in 10 cisho socon doona lagu qabto Garoowe dib loogu saxo dastuurka.balse waxay dowladda ee Soomaaliyeed ayaa ka digtay arrimaha ka socda magaalada Muqdisho ee looga hadlayo arrimaha Dastuurka dawladda Soomaaliya, maadaama horay loogu heshiiyey in dibu eegista dastuurkan ay ka dhacdo magaalada Garoowe, , taasoo ay kulmi doonaan Madaxda dawlad gobaleedyada iyo Dawladda Faderaalka si ay uga wada hadlaan waxyaabaha u baahan wax ka bedelka Dastuurka Soomaaliya.

Shirkii wasiirada p/l ayaa laga sheegay in uu Muqdisho ka jiro qorshe la sheegay in Dastuurka Soomaaliya lagu horgeynayo dad Shaqsiyaad ah si ay cod ugu qaadaan, taas oo ay ku sifeeyeen mid hareer-marsan heshiisyadii horey loo gaaray.

Afhayeenka dawladda Puntland ayaa sheegay in aysan Puntland aqbali doonin qodobada wax ka bedelka lagu sameeyey & Shir kasta oo laga leeyahay dano Siyaasadeed, kaas oo ladoonayo in lagu maro-habaabiyo bulshada Soomaaliyeed.

Mr, Quraanjecel ayaa sheegay in ay Puntland doonayso in meelmar laga dhigo heshiiskii 12-ka April  lagu soo gaaray Muqdisho, kaas oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in Guddiga Dibu eegista Dastuurka ay tagaan Garoowe, isla markaasna laysla meel dhigo qodobada lagu muran san yahay.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *