Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

puntland ayaa ku wareejisey cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta puntland dowlada federalka

Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku wareejisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya askar gaareysa 2,400, kuwaasi oo hore ugaga tirsanaa ciidamada Puntland ee Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya heshiis madaxda qaranka iyo maamul goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho, heshiiskaasi oo ahaa in ciidamada la isku dhafo maamul walbana uu keeno 3000 oo askari.

Xafladda wareejinta ciidanka oo ka dhacday xerada 54-aad ee magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa   Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo saraakiil ka kala socotay Puntland iyo dowlada Federalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku wareejiyeen 2, 400 oo askari oo hore uga tirsanaa ciidanka Daraawiishta Puntland, kuwaasi oo ka mid noqon doona ciidan xoogga Qaranka Soomaaliyeed,waxana uu xusay in laga bilaabo maanta ay ciidamadaa xuquuq ay ku leeyihiin dowlada federalka Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa noqonayaa kuwii ugu horeeyay ee Maamul goboleed ku soo wareejiyo dowlada federalka waxaana la filayaa in  sidoo kale dowlad goboleedyada kale ee ka jira dalka ay ku wareejiyaan dowlada federalka ciidamada laga doonayay.

 

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *