Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Puntland oo kasoo hor jeesatay Gudigii DF-Somalia u magacowday Wadahalka Somaliland Iyo Arimaha ay ku dooday

War-saxafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa lagu qaadacay Gudiga ay dowladda federaalku u magacowday wahadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay in magacaabista guddigaasi ay si cad uga hor imaanayso dastuurka Federaalka

“Puntland waxay cadanaysaa in hannaanka loo maray magacaabista matalayaasha aysan waafaqsanayd dastuurka ku meelgaarka ah, lana hareer maray qodobkiisa 53aad farqadiisa 2aad oo uu dhigatan Sidatan: Mar ay wada-xaajoodyadu sigaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseea dawlad-goboleedyada, xukuumada Federaalka ergada wada-xaajoodka gelaysa waxaaa kaabaya wakiilo ka socda dowladha xubinta ka ah daowldda federaalka”

“ Puntland horay bay u caddaysay mowqifkeeda ku aadan wadahadalada maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka ah, kaasoo ahaa in qadiyaddaasi ay si gaar ah u taabanays dowladda Puntland iyo Maamulka Somaliland “

Warsaxafadeedka waxaa kaloo lagu sheegayn in Puntland ay beesha Caalamka iyo cid kasta oo danaynaysa arrimaha Soomaliya u cadaynaysa in guddiga la magacaabay ay caddeyn u tahay in aan la rabin xal iyo wadhadal dhab ah. sidoo kale wixii ka yimaada magacaabista guddigaas ay masuuul ka noqnaysa Dowladda Federaalka.

Guddigan oo uu magacaabay madaxweynaha DF Soomaaliya ay waxaa sidoo kale ka horyimid maamulka Somaliland.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *