Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Puntland oo ku guulaysatey tartankii kubadda cagta ee ka socdey magaalada muqdisho una dhexeeyey dowlad goboleedada iyo gobolka banaadir

Xulka Puntland ayaa ku guuleystay Koobkii Maamul goboleedyada, kadib markii rigoorayaal 5-3 uga badiyeen xulka Jubbaland ciyaartii Finalka oo aheyd mid xiiso leh ayaa waxaa ka so qeyb galay kumanaan ruux.

Labada xul ee Puntland iyo Jubbaland ayaa soo bandhigay ciyaar aad u fiican, kana muuqatay farsamo aad u wanaagsan, iyadoo sagaashankii daqiiqo iyo sodon daqiiqo oo dheeri ah ay ku dhamaatay bar bar dhac 1-1.

Waxaa jiray fursado wanaagsan oo ay iska khasaariyeen labada xul, waxaana Ciyaartoyda Puntland iyo Jubbaland ay labadaba fursadooda ugu wanaagsan aheyd markii ay birta labadaba ku garaaceen.

Xulka K/cagta ee Jubbaland ayaa goolka ku hormartay daqiiqadihii hore ee ciyaarta qeybta hore, hase ahaatee Ciyaartoyda Puntland ayaa iska soo guday oo bar bareeyay isla qeybtii hore.

Ciyaarta ayaa aheyd mid si aad ah isha loogu hayay, waxaana xamaasad u sii yeeshay balan-qaadyo loo fidiyay labada ciyaartoy ee Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Telefishinada Qaranka Soomaaliya ee SNTV ayaa si toos ah looga daawanayay ciyaarta oo dadweynaha Soomaaliyeed ay si aad ah u xiiseynayeen

Daawashada ciyaarta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, Wasiiro, Xildhibaano, Safiirka Turkiga Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *