Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

PUNTLAND oo War kasoo saartay Baarlamaanka cusub ee Jubbaland ee axmed madoobe soo xulay

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa hambalyo loogu diray Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Labaad ee Jubaland, sidoo kale Puntland waxay bogaadisay sida ay u socoto hanaanka Doorasho ee Jubaland.

Puntland ayaa dhowr jeer oo horay uga digtay in  Faragelin lagu sameeyo arimaha doorashada ee Galmudug iyo Jubbaland.
Waxayna  Arintan ayaa kusoo beegmaysaa iyadoo Jubbaland looga dhowaaqay Laba Baarlamaan, oo mid kamid ah uu Taageero ka haysto madaxwayne Axmed Madoobe iyo maamulkiisa, Halka midka kale ay shaaciyeen Dadka kasoo Horjeeda.

Akhriso war-Saxaafadeedka Puntland kasoo baxay

Xildhibaanada Cusub ee Jubbaland    ayaa maanta lagu dhaariyey magaalada Kismaayo,    Waxaana Xildhibaan Fiqi oo Hambalyo u diray uu sheegay inay saaran tahay  mas’uuliyad culus “waxaad  gacanta saarteen kitaabkii ilaahay, Hawlaha idin horyaallana waa weyn yihiin Allaha idin fududeeyo.” Ayuu yidhi.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *