Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Puntland oo Xabsi dhigtay Masuul ka Tirsan Somaliland Iyo Waxa dhacay

Ciidamada Amaanka Puntland ee ku sugan Degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa maanta xidhay Cabdiraxmaan Axmed Muuse Suldaan Suus guddoomiye kuxigeenkii Somaliland u qaabilsanaa Badhan.

Xadhiga Cabdiraxmaan ayaa yimi ka dib markii uu diiday in uu ka tanaasulo xilka uu u hayo Somaliland isla markaana uu ku biiro Maamulka Puntland.

Puntland ayaa mudooyinkii danbe xoojinaysay saamaynta siyaasadeed ee ay ku leedahay Gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Badhan,  Waxaana dhawaan gaadhay deegaanadaas in ka badan 10 wasiir, waxaana degmada Badhan loo dhisay golle deegaan oo cusub.

sidoo kale taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland Gen Yaasiin Cumar Dheere ayaa dhankiisa socdaalka kala duwan ku tagay Gobolada Sanaag iyo Hayland.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *