Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

qaar ka mid ah ciidamada qaramada midoobey ayaa la gudoonsiiyey bilado

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire Michael Keating ayaa billado iyo shahaadooyin gudoonsiiyey ciidamo kooban oo Qaramada Midoobay ka jooga magaalada Muqdisho.

Danjire Keating ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku soo jirtay muddo badan jahawareer siyaasadeed, balse iminka sameyneyso horumar la xiriira siyaasad degan oo aan ku tiirsaneyn qabyaalad.

Danjire Keating ayaa sheegay  in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya u joogto sidii ay uga caawin laheyd ka bixida jahwareerka siyaasadeed loona abuuri jawi dowladnimo oo leh amni iyo horumar.

Mr. Keating ayaa hadalkan ka sheegay xaflad kooban oo ka dhacday xarunta QM ku leedahay magaalada Muqdisho taasoo uu shahaadooyin iyo bilado ku gudoonsiiyey askar ka tirsan ciidamo UN-ka ka jooga Somalia.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *