Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Qalabka balaarinta dekeda Bosaso oo soo gaadhey dekeda Bosaso

Waxaa maanta dekeda Bosaaso ku soo xidhay maraakab sida qalab loogu tala galay ballarinta dekedaasi.Wakhtigaas oo ay dekeda ku  sugnaayeen wefti ballaaran oo uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland Cabdixakiin Camey,ayna ka mid ahaayeen wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda,.

Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirkuba waxay ka jeediyeen hadalo farxad iyo dhiiri gelinba isugu jira.Madaxweyne ku xigeenku  wuxuu xusay wakhtigii soomaliyi baaba’day 1991kii ilaa maanta inay dekeda Bosaaso dadka somaliyeed ay u sinaayeen ku ganacsigeeda .Meel kasta oo ka mid ah dalka somaliya iyo dalka itoobiya ay gaarto badeecada ka soo degtaa dekedaasi.

Wakhti dheer ayaa madaxda Puntland raadisey inay u hesho kaabayaasha dhaqaalaha puntland cid maalgashata. si ay uga faaiideystaan bushada ku nool somaliya.Dhowaan ayey ahayd markii la furay Garoonka diyaaradaha Bosaaso lana dhagax dhigay kan Garoowe iyo Jaamacadda Maakhirba.ayna ku dhawaaqeen barnaamijka ISKU TASHO.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *