Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Qarax ka dhacay Muqdisho maanta iyo Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay maanta Magaalada Muqdisho kaasi oo  loo adeegsaday Gaadhi laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,isla markaana waxaa uu ku qarxay  koontarool ciidamada amaanka ku sugnaayeen oo kuyaala agagaarka Isgooska KM-4.

Sidoo halka Qaraxa uu ka dhacay ayaa  ku dhow yahay Koontaroolka laga ilaaliyo Garoonka Aadan Cadde, iyadoona amniga halkaas siweyn loo sugo,waxaana goobta ku yaalla hotelo ay degan yihiin dad badan.

Waxaa socda Gurmad loo sameeynayo dadkii halkaasi ku waxyeeloobay,  kaasi oo dhaliyey Khasaare kala duwan,  waxaan uu dab qabsaday Kaalin shidaal oo ku taalla meel ku dhow Aargada Isgoyska KM4.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in xiliga uu qaraxa dhacayay wadada ay aheyd mid aad u Mashquul ah oo dadka iyo gaadiidka noocaydiisa kala duwan ay is dhaafayeen, waxaana goobtaasi ku sugnaa dad goobo ganacsi ku lahaa  iyo kuwa kale oo jidkaasi marayay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halkaas, isla markaana waxaa ay ay xidheen Aaga uu qaraxa ka dhacay, waxaana hakad ku jira isku socodka gaadiidka iyo dadka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *