Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

qarax ka dhacay xaafadda hodan ee magaalada muqdisho

Afar ruux ayaa ku dhaawacmay oo labo ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidanka dowladda, kadib qarax ka dhacay degmada Hodan.

Qaraxan oo ahaa mid laga maqlayay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa ahaa miino lagu aasay goob ay fariistaan Ciidamada ammaanka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Xalane ayaa sheegay in qaraxa aanu khasaare sidaa u weyn geysan, balse afar qof oo labo shacab ah iyo labo ka mid ah ciidamada ammaanka ku dhaawacmeen.

Ciidamada Ammaanka ayaa baro koontarool oo laga ilaaliyo ammaanka ku leh Isgoysyada ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana goobahaas lagu baaraa gaadiidka kala duwan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *