Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Qarax ka dhex dhacay diyaarad ay leedahay shirkada dayuuradaha daalo

sawirka diyaaradaDiyaarad ay leedahay shirkadda dayuuradaha Daalo oo ka duushay magaalada Muqdisho kana qaaday rakaab dhan sida la sheegay 74 qof  kuna sii jeedaey dalka jabuuti ,kadib 15daqiiqo  markey hawada ku jitay ay dib ugu soo noqotay isla garoonkii ay ka duushay iyadoo gubaneysa ,

Dadka ku nool degmada Balcad iyo maamulka degmaduba waxay sheegeen in ay maqleen sanqadh weyn oo ka yeertay diyaaradaasi uuna ka soo dhacay qof meyd ah  haddana ay gacanta ku hayaan qofkaas oo googo’ay.

Qaar ka mid ah rakaabkii diyaaradda saaraa qaarkood waxay sheegeen in NIN oday ah uu qarax ka dhacay halkii uu fadhiyey  in waxa  qaraxay uu isagu sitey iyo inkalese lama garanayo balse uu odaygii rakaabka ka midka ahaa uu qofka ka duulay diyaaradda ka dib markii qaraxaasi uu dalool weyn ka sameeyey diyaaradda dhinaca midigta.laba qof oo kalena uu soo gaarey dhaawac .Weli lama shaacin waxa dhiliyey qaraxan  balse waxaa gacanta ku haya baaritaankiisa ciidamada amniga.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *