Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Qaxooti Yamaniyiin ah iyo Muwaadiniin Soomaali ah oo ka soo carartay colaadda Yeman oo soo gaaray Boosaaso

Dooni sidey 164 qoys oo ka soo qaxay Colaadaha ka aloosan Dalka Yeman ayaa ku soo xiratay Dekedda magaalad Boosaaso, waxayna u badan yihiin dadka la socda doonida haween iyo carruur kuwaasi oo isugu jira qoysaska doonidu siday Soomaali iyo Yamaniyin.

Mas’uuliyin ka tirsan Puntland gaar ahaan Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa qoysaskan ku soo dhaweeyay Gudaha dekadda Boosaaso

Doontan ayaa noqonaysaa tii seddexaad ee Boosaaso soo gaarta maalimihii la soo dhaafey, taasi oo kordhinaysa qaxootiga Yemaniyiinta ah ee ku sugan gudaha Puntland, kuwaasi oo horay loo kala dajiyay magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho .

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *