Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Rag looga shakiyey inay ka tirsan yihiin Ciidanka Dawladda oo Muqdisho ka gaystay Kufsi

Dabley hubeysan oo looga shakisan yahay iney ka tirsan yahiin ciidanka Militariga Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa iney fal kufsi ah ka geysteen magaalada Muqdisho bilowga isbuucaan.

Sida ay ku warameen maamulka dagmada Shangaani ee gobolka Banaadir, falkaan waxaa loo geystay wiil 9-jir ah, waxeyna qoyska dhibanaha sheegeen in falka uu dhacay xilli habeen ah oo ay dableysa usoo dhaceen gurigooda.

“Dhakhtar ayaa noo xaqiijiyay dhibka gaaray wiilka yar, guriga ayuu jiifaa, wuu caafimaad qabaa, balse inaan cadaalad helno ayaan u baahanahay” ayuu yidhi awoowaha wiilka yar ee dhibta loo geystay.

Laba qof oo dumar ah oo ku sugnaa guriga ayaa ka badbaaday falka kufsiga ah oo ay geysteen ragga aan wali la cadeyn hadii ay yahiin ciidamo ka tirsan dowladda iyo hadii ay yahiin burcad.

Qof la tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa kooxda falkaan geysatay ayaa ku xidhan saldhigga dagmada Shangaani, taliska Booliska wey ka gaabsadeen iney ka hadlaan kiiskaan walow ay xaqiijiyeen iney Warku soo gaadhay.

Kufsiga wuu kusoo badanayaa Muqdisho, dhawaan ayey aheyd markii kufsi iyo dil loo geystay gabadh dhawaan ka baxday dugsiga sare oo magaceeda lagu sheegay Xamdi Maxamed Faarax, waana kiis wali taagan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *