Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Raiisal baarlamaanka somaliya oo gaadhey Kismaayo

Waxaa manta gaadhey Magaalada Kismaayo ee gobolka jubbada hoose Raiisal Baarlamaanka dowladda federalka somaliya Maxamed Sheekh Cisman Jawaari.Halkaasi oo uu garoonka Diyaaradaha ee magaalada kismaayo uu ku soo dhoweeyey Raiisal wasaaraha Dowladada federalka ah ee Somaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmaake iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Islan   Axmed Madoobe,

Waxaa si kala duwan uga socda magaaladaasi shirar si gaar gaara ay isugu arkayaan madaxda dowlad goboleedada iyo wufuuda ka socota dowladaha shisheeye ee halkaasi ku sugan.Waxaana la rajeynayaa inuu si dhakhso ah uga furmo magaaladaasi shirkii wada tashiga iyo go’aan ka gaarista aayaha dambe ee ummada somaliyeed ee qaabka doorashadu noqoneyso 2016ka lagu go’aansan lahaa.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *