Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

raiisal wasaare ku xigeenka somaliya ayaa booqasho ku jooga dalka turkiga wada hadalona la leh turkiga

 Raiisal Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed Khadar oo safar shaqo ku jooga magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa waxa uu kulan la yeeshay dhiggiisa Dalkaas, Dr Recep Akdag.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay wanaajinta xariirka qotadda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

“Waxa aan Ankara kula kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, Dr Recep Akdag. Waxaanu kawada hadalay xiriirka labadda dal ee dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha Ganacsiga iyo waxbarashada ee Soomaaliya iyo Turkiga”, ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Dawladaha Turkiga ayaa waxa ay kamid tahay dawladaha xariirka dhaw la leh dawladda Federaalka Soomaaliya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *