Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo si degdeg ah u magacaabay xilkii Wasiirka Warfaafinta uu iska casilay Daahir Geelle

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow si degdeg ah u magacaabay xilka Wasiirka Warfaafinta, taasoo saacado ka hor uu iska casilay Daahir Maxamuud Geelle.

Xilka Wasiirka Warfaafinta ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ahaa Wasiirkii Ganacsiga.

Sidoo kale xilka Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa loo magacaabay Eng. C/llaahi Cali Xasan, oo ay isku heyb yihiin Wasiirkii is casilay ee Daahir Geelle.

Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa ka mid ahaa Musharaxiintii isu soo taagtay Doorashada xilka Madaxweynaha 2017, inkastoo uu markii dambe ka tanaasulay.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *