Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Raysal wasaare Khayre oo ka degay Qatar iyo Kulan uu la yeeshay Madaxda dalkaasi waxa looga hadlay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar Kula Kulmay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar. Kulanka ayey uga wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood iyo dardar-gelina mashaariicda Qatar ay ka fuliso Soomaaliya.

Kulanka arimaha sida gaarka  looga hadlay waxaa kamid ahaa  Sidii loo dardar gelin lahaa Mashaariicda ay Qadar ka fulinayso Soomaaliya gaar ahaan Dhismaha  Jidka  Muqdisho Jowhar iyo Muqdisho Afgooye.

Sidoo kale  Waxaa Go’aan laga gaadhay Dhismaha  Dekedda magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Dalalka Qatar iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya Xidhiidh wanaagsan oo soo Jireen ah.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *