Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

RW. Khayre oo Kulamo Midho-dhal ah oo aan Joogsi lahayn ka Wada Washington [Warbixin+Sawirro]

Agaasimaha Cusub sanduuqa lacagta adduunka ee IMF, Kristalina Georgieva oo kulan la yeelatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shaacisay in si buuxda ay u taageersan tahay dadaallada loogu jiro in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay horraanta 2020.

“Waxaan kulan midha dhal ah Xarunta dhexe ee IMF kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre,waxaan ugu hambalyeeyay dhaqan gelinta xooggan ee joogtada ah ee uu ku sameeyay qorshaha dib-u-habeynta dhaqaalaha,iyadaoo ay jireen caqabado badan,Waxaan is-weydaarsannay muhiimadda ay leedahay in deynta looga cafiyo sida ugu dhaqsaha badan,iyadaoo la raacayo hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u deymeysan HIPC)” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ay soo saartay IMF.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay intii uu socday kulanka in Ra’iisul Wasaaruhu uu ku celiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dib-u-habeynta iy,adaoo la raacayo barnaamijka SMP4 ee socda, waxa uuna sidoo kale adkeeyay dhammeystirka qorshaha qaranka sagaalaad ee dhawaan golaha wasiirradu ansixiyeen.

Dhameystirka qorshaha horumarinta qaranka iyo dib-u-habeyntu waxa ay qayb ka yihiin shuruudaha hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u deymeysan (HIPC).

“Joogteynta shaqo wanaagga xooggan oo ay la jirto taageerada saaxiibada caalamiga ah waxa ay waddada u xaareysaa Soomaaliya in deynta laga nadiifiyo mustaqbalka dhaw.

Waxaaan u xaqiijiyay Ra’iisul Wasaaraha in IMF ay si buuxda u taageersan tahay dadaallada Soomaaliya ee deyn cafinta oo ay ka mid tahay in lala shaqeeyo xubinnimada sanduuqa ee lagu sugayo khayraadka maaliyadeed ee muhiimka u ah deyn cafinta IMF iyo daboolidda qarashaadka ku baxaya deyn cafinta”, ayaa sidoo kale lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, Rasmus Prehn, ayaa magaalada Washington ku yeeshay kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay dowladda Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020.

Rasmus Prehn oo ballan qaaday in dowladda Denmark ay sii wadeyso taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya ayaa ammaanay guusha ay dowladdu ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta.

Mudane Xasan Cali Khayre oo Washington uga qayb galay kulanka miiska wareegsan ee looga hadlay deyn cafinta dalka, ayaa horay kulamo kala duwan ula qaatay wasiirrada maaliyadda Norway, Netherlands iyo Talyaaniga iyo madaxweynaha Bangiga adduunka.

Taageerada IMF ayaa xoojinaya galaangalka dowladda iyo dadaallada lagu doonayo in Feberaayo 2020 dowladda Soomaaliya laga nadiifiyo deymaha lagu leeyahay si ay ugu furmaan albaabbada hey’adaha dhaqaalaha adduunka.

Kalshaale.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *