Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

RW. Rooble oo Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed Kulan Xasaasi ah isugu keenay

Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku saabsan arrimaha doorashada kuraasta Gobollada Woqooyi xafiiskiisa la yeeshay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Wuxuuna ka codsaday in Muddo kooban  xal uga soo gaadhaan kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi.

“Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay jawi wanaagsan oo ku saabsan arrimaha doorashada kuraasta Gobollada Woqooyi xafiiskiisa kula yeeshay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed

Wadatashi iyo gorfeyn ka dib waxaa la isla gartay in Guddoomiye Cabdi Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku muddo kooban xal uga soo gaaraan kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi.”

Shalay ayuu sheegay ra’iisul wasaare Rooble in meel wanaagsan ay marayso arrimaha kus aabsan doorashada kuraasta gobolada Waqooyi oo khilaaf uu ka taagnaa.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *