Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

R/wasaare Khayre oo Joojiyey Heshiiskii Horumarinta Magaalooyinka dalka ee Maanta la saxiixay

 iyadoo la tixraacayo amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Xasan Cali Khayre  waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda Dowlad Goboleedyada.

Dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada”

Arintan ayaa ka dhigan in la hakiyey fulinta heshiis maanta Muqdisho ay ku kala saxiixdeen wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Howlaha Guud iyo Duqa Muqdisho kaasi oo ku kacaya 112 Milyan oo dollar.

Mashruuca heshiiskan ayaa qorshuhu yahay in lagu dhiso magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe, ayada oo magaaladiiba ay heleyso 28 milyan oo dollar.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *