Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

R/wasaare Rooble oo oo Wasiir u Xil saaray Dar-dargelinta Arinta Doorashada Somalia

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdixakiim Xasan Ashkir u xil saaray dardar gelinta howlaha doorashooyinka dalka.

Cabxakiin Ashkir ayaa waxaa uu mas’uul ka noqon doonaan howlaha isku xirka iyo wada shaqeynta Xukuumadda, dowlad Goboleedyada iyo Hey’adaha Caalamiga howlaha la xiriira habsami u socodka doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay in la guda galayo howlaha doorashooyinka, si loo hirgeliyo doorashooyinka.

Is mari waa xooggan ayaa ka taagan doorashada Soomaaliya, iyadoo weli lagu muransan yahay guddiyada doorashada iyo qaabka loo wajahayo, waxaana si weyn uga soo horjeeda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo Musharaxiinta Madaxweynaha ee fadhigooda yahay Muqdisho.

Halkan hoose ka akhriso:-

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *