Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

saamaynta ay ku yeelatay dadka degan magaalada beled xaawo xuduuda kiiniya ee la xiray

Dawlada Kenya ayaa xidhay xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan xadka u dhexeeya labada magaalo ee mataanaha ah ee Mandheera oo dhanka Kenya ah iyo Balad Xaawo oo dhanka Soomaaliya ah.

Labadaa magaalo oo la dhihi karo waa ay isku milmeen ayadoo wax u dhexeeya oo dhul ah uusan jirin irid laisaga gudbo maahee ayaa hadana waxaa dawlada Kenya ay dhankeeda soo dhoobtay askar sida uu warbaahinta u sheegay maamulka Balad Xaawo Soomaaliya.

Balad Xaawo ayaa caadiyan waxaa arday badan oo daggan ay wax ka bartaan ama ka diiwaan gashan yihiin iskoolada magaalada Mandheera.

Haatan oo xadku uu xiran yahay ayaa waxaan u suurta geleyn ardaydaas inay wax barasho u tagaan Mandheera oo ay awal subax waliba ku kalihi jireen.

Intaa wax ka badan ayaa labada magaalo isaga darsan ayadoo weliba dhanka Balad Xaawo ay raashinka intiisa badan ay isticmaalaan reer Mandheera ay halkaas u soo doontaan ayadoo la ogsoon yahay in Soomaaliya dakado badan oo si sahlan wax looga soo dajiyo ay leedahay.

Raashinka laga soo dajiyo dekadaha Soomaaliya gaar ahaan dakada Xamar ayaa marka loo wado Kenya waxaa la sii mariyaa Balad Xaawo halkaas oo bakhaaro waaweyn ay ku yaalaan oo raashinka lagu hakiyo ka hor inta aan loo gudbin Mandheera.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *