Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Saddex Wasiir oo ka tirsanaa Xukuumadii Somaliland oo Muqdisho ka degay (Akhriso Magacyada)

Saddex wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii hore ee Somaliland ee uu Hogaaminayey  madaxweyne Axmed Maxamed  Siilaanyo ayaa ka degay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xubnahan ayaa kala ah

1- Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Daahir Dhimbiil.

2- Wasiirul-Dawlihii hore ee Wasaaradda Cadaaladda Khadar Axmed Diiriye.

3- Wasiir ku Xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Axmed Keyse Gurey.

Siyaasiyiinta Iyo Ganacsatada Somaliland ayaa si joogta ah inta badan ugu xidhan magaalada Muqdisho, Waxaase Xusid mudan in Cabudhinta ugu badan ay Shacabku kala kulmaan  Markay Booqdaan Muqdisho, ay soo Bandhigaan Aragtidooda ku aadan wadajirka Soomaalida.

Qofka kale oo isna la xaqiijiyay in uu wasiirradii Siilaanyo ka mid ahaa hayeeshee aan magaciisa la xaqiijin ayaa ka mid ah, waxaa kale oo ku wehliya xubno u badan dhallinyaro oo u soo wareegay Muqdisho.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *