Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Safiir Cali Fiqi “Mowqifka dowladda Soomaaliya waa in dhageysiga dacwadda Badda aan dib loo dhigin

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya aysan raalli ka aheyn in dhageysiga Kiiska dacwadda Badda aan dib loo dhigo, isla markaasna aysan ogolaan doonin dalabka Kenya ka yimid ee ahaa in dacwadda Badda dib loo dhigo illaa mudo 12 bilood ah.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya aysan raalli ka aheyn in dhageysiga Kiiska dacwadda Badda dib loo dhigo, isla markaana aysan ogolaan doonin dalabka Kenya ka yimid oo ahaa in dacwadda Badda dib loo dhigo illaa 12 bilood.

DHAGAYSO

Danjire Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in Mowqifka dowladda uu yahay in dacwadaas aan dib loo dhigin, isla markaana ay halkeeda ka sii socoto, maadaama ay shan sano qaadatay dacwadaas.

“Mowqifka rasmiga ee dowladda waa in dacwadaas aan dib loo dhigin, in meesha ka sii socotay muddo shan sano ayay soo socotay, waqtigeeda waa la gaaray in maxakamda dhageysato, taas ayaa mowqifkeenu yahay”ayuu yiri Danjire Cali Fiqi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in tallaabada xigta ay tahay in Maxkamadda ay ka sugayaan inay go’aan ka qaadan doono, ayna u diyaar garoobeen in maalinta Isniinta ee taariikhda ay tagaan Maxkamadda.

Hase ahaatee waxaa uu xusay in tan iyo Jimcaha ay ka sugayaan go’aanka ay Maxkamadda ka gaarto dalabka ka yimid Kenya ee ay ku dooneyso in dhageysiga dacwada dib loo dhigo, maadaama aanay Qarreeno heysan, kuwii horena kala eriday, isla markaana waqti la siiyo inta Qarreeno cusub ka qoraneyso.

Ugu dambeyn Cali Fiqi ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aanay ka walwalin, ayna ku kalsoonaadaan dowladdooda, isla markaana aysan dowladdu marna aqbali doonin in meel aan Maxkamadda aheyn lagu xaliyo kiiska dacwadda Badda.

kalshaale.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *