Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

safiirka cusub ee midowga yurub uga wakiilka noqonaya somaliya oo waraaqihii aqoonsiga laga gudoomey

safiirMadaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka Guddoomay Danjire Verinoque Lorenzo oo Midowga Yurub u soo magcaabeen Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa warbixin ku aaddan Shaqadeeda cusub ka dhageystay Danjire Lorenza. Isagoo intaas kaddib sheegay in Ururka Midowga Yurub iyo Somalia uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan, isla markaana uu aqbalay shaqada safiirka cusub ee Ururkaas, gacanna ay ku siin doonaan Hawlaha ay Dalka ka qaban doonto.

Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub  ee Somalia, Lorenza ayaa sheegtay inay ka shaqeyn doonto sidii uu u sii jiri lahaa xiriirka Somalia iyo Midowga Yurub isla markaana ay Soomaaliya waxaan ka taageeri doonaan dhinacyo badan, waxaan rajeynayaa inay noqoto mid aan ku guuleysanno.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *