Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

safiirka maraykanka ayaa sheehay in somaliya isbedelwen ay samaysay

Safiirka dowlada Mareykanka ee dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyo isbedelka dhanka siyaasada, ammaanka iyo dhaqaalaha ee ka jira dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dalka Soomaaliya uusan kamid aheyn dalalka loo magac daro dalalka guul dareystay.

Danjiraha ayaa sheegay in dadka qurbo Soomaaliyeed ay kusoo laabanayaan dalka Soomaaliya, iyaga oo ka qeyb qaadanaya dib u dhiska dalka, qaranka iyo wanaajinka xiriirka Soomaaliya iyo dalalka kale ee caalamka.

Safiirka ayaa sheegay in muhiimada koowaad ay tahay in Alshabaab laga saaro guud ahaan dalka Soomaaliya ayna taageeri doonaan howlgalka ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowlada Soomaaliya ay si wadajir ah u wadaan.

Dhanka kalena waxa uu sheegay in arimaha amaanka uu keenayo in la sii hormariyo dhismaha qaranka Soomaaliya, si loo gaaro hadafka sanadka 2016, loona baahan yahay inla qabto shaqo badan oo ay kamid tahay dib u habeynta dastuurka, dhameystirka maamulada federaalka hoos imaanaya iyo in la sameeyo xisbiyo siyaasadeed.

Ugu dambayntiina isagoo kahadlayey dhanka dhaqaalaha ayuu sheegay iney labo jibaari doonaan taageerada Mareykanka uu siiyo dowlada Soomaaliya, ayna ka shaqeyn doonaan dib usoo celinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *