Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Saraakiisha Ciidamada Jabuuti iyo Waxgarad ka wada-hadlay Ammaanka Degmada Buula-burte

Saraakiisha ciidamada dalka Jabuuti ee Qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika, waxgarad iyo odayaal dhaqameed kulan ku yeeshay maanta degmada Buula-burte ayaa looga wadda-hadlay arrimaha ammniga iyo siddii meesha looga saari lahaa go’doominta ay muddo dheer ku jirtay degmada.

Saraakiisha kulanka ka qeyb-galay waxaa taliyaha ciidammada Jabuuti ee gobolka Hiiraan Col Cismaan Dubad, oo kala hadlay waxgaradka degmada siddii ay gacan uga geysan lahaayeen guud ahaanba arimaha ammniga iyo siddii bulshada gacan uga siin lahaayeen ciidammada howl-galada ka dhanka ah Al-shabaab.

“Isbadal weyn ayaa ka jira maanta degmada Buula-burte, inta dhiman runtii waxaa naga go’an in aan dhameystirno, waa in is badal dhab ah laga sameeyaa dhinaca amniga” ayuu yiri Col Cismaan Dubad.

Odayaasha iyo waxgaradka degmada ayaa ka dalbaday saraakiisha ciidammada Jabuuti ee ka tirsan howlgalka AMISOM wixii hadda ka danbeeya loo baahan yahay in la furo jidadka degmada ku xiriiraya qeybaha kale ee dalka oo wali ay go’doon ku hayaan Al-shabaab.

Degmada Buula-burte oo ah degmo Istiraatiji ah oo ku taalla goob muhiim ah ayaa waxaa hadda ammnigeeda gacanta ku haya ciidammada Jabuuti oo marka laga soo tago arrimaha nabad ilaalinta wax badan ka qabtay dib u soo nooleynta adeegyadii bulshada, iyaga oo dib u habeyn ku sameeyay garoonka diyaaradaha degmada oo hadda la isticmaalo.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *